Home       |    Fadliga Quranka       | Course    | Learning Methods       |        Fee      |CILMIGA      | Registeration Form    |    Contact us

My status

Skype Me™!

Mob Call free :-0013203487072

    Download Skype

 Administrator:

Call free :-0013203487072

Emails,

umulquraan@gmail.com

Ku Darso Skype-  umul.quraan

 

 

Free Hit Counter
 Hit Counter

 

Ku soo Dhawoow Machadka Iiman Islamic Academy

Walaalaha Muslimta  ah  meel walba oo ay dunnida ka joogaan waxaa loo hayaa Macalimiin Aqoon sare u leh Diinta Islaamka gaar ahaan Umadda Somaliyeed Adiga iyo qoyskaagaba qof yar iyo qof waynba Meelkasta oo aad joogto waxaan kuu haynaa macalin si toos ah kuu bari doona: Higaada Carabiga, Tajwiidka Qur'aanka, Xifdiga Qur'aanka, Luuqada Carabiga, Axaadiista, Axkaamta Diinta Islaamka. Waliba waxaad wax baran kartaa adiga oo Gurigaaga jooga iyo wakhti walba oo aad rabto. Halkan Guji si aad iska Diwaangaliso Qofkii ama ardaygii dhamaysta kooras ka mid koorasyada aanu dhigno ama bixino waxaanu gudoonsiin doonaa Shaahdo Anfaci doonta mustaqbalkiisa.

________________________________________________________________________________________________________

FADLIGA QUR'AANKA

 

 

قال الله تعالى: ﴿ إِنَّ هَـٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا ﴿٩﴾

Qur’aankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajiri wayn .

وقال سبحانه : ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا ﴿٨٢﴾

Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka  Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu’miniinta, Dalimiintana uma  siyaadiyo Waxaan Khasaare ahayn.

 

وقال سبحانه : ﴿ إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ ﴿٢٩﴾

Kuwa Akhriya  Kitaabka  Alle oo salaadda ooga oo wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qaarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.

عن أبي أمامة رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏ اقرءوا القرآن فإنه يأتي يوم القيامة شفيعًا لأصحابه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.

Abii umaamah (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: Darsa Quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaamaha. (Muslim)

وعن النواس بن سمعان رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏يؤتى يوم القيامة بالقرآن وأهله الذين كانو يعملون به في الدنيا تقدمه سورة البقرة وآل عمران تحاجان عن صاحبهما ‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.

Nawwaas bin Samcaan (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Maalinta Qiyaamaha Qur’aanka sidoo kale waa lala keeni doonaa kii ku camal falay adduunyadan. Hortiisa isaga,  oo Suuradaha Al-Baqrah iyo Aal-Cimraan baa hogaamin doona iyagoo u doodaaya dadkii akhrisan jirey suuradahan adduunkii. (Muslim)

وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏.‏

Cuthmaan ibn Caffaan (A.K.R) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Waxaa idiinku khayr badan kuwiinna bartay Qur’aanka oo barana dadka kale. (Bukhaari).

وعن عائشة رضي الله عنها قالت‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏الذي يقرأ القرآن وهو ماهر به مع السفرة الكرام البررة، والذي يقرأ القرآن ويتتعتع فيه وهو عليه شاق له أجران‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏

Caa’isha (A.K.R) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii akhriya Qur’aanka oo u akhriya si fiican wuxuu la meel joogaa malaa’igta wax qorta oo sharafta leh oo baarriyiinta ah, qofka ku akhriya Qur’aanka si jejebin ah oo uu dhibta ku yahay wuxuu yeelan doonaa laba ajar. (Bukhaari iyo Muslim)

وعن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏مثل المؤمن الذي يقرأ القرآن مثل الأترجة‏:‏ ريحها طيب، وطعمها طيب، ومثل المؤمن الذي لا يقرأ القرآن كمثل التمرة‏:‏ لا ريح لها وطعمها حلو، ومثل المنافق الذي يقرأ القرآن كمثل الريحانة‏:‏ ريحها طيب وطعمها مر، ومثل المنافق الذي لايقرأ القرآن كمثل الحنظلة‏:‏ ليس له ريح وطعمها مر‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏

Abuu Muusaa Al-Ash-Cari (R.C.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Tusaalaha mu’minka darsaa Qur’aanka waa sida liinta ah udguunka iyo macaankla, tusaalaha mu’minka aan akhriyin Qur’aanka waa sida timirta engagan aan iyadu ur lahayn ha yeeshee macaan, tusaalaha munaafiqa akhriya Qur’aanka wuxuu la mid yahay reexaanta udgoon haddana qaraarka ah, munaafaqa aan akhriyin Qur’aanka wuxuu la mid yahay sibirta aan urta lahayn qaraarkana ah dhadhan ahaan. (Bukhaari iyo Muslim)

 

1- Barashada Qur'aanka kariimka ah
2- Siiradii Nabiga (SCW)
3- Caqiida
4- Luuqada Carabiga
5- Fiqi
6- Xadiis

Copyright 2009 - 2011 IIMAAN.COM All rights reserved. Powered by  Umma Software